spot_imgspot_imgspot_img

Xagee ayuu marayaa Sahminta Shidaalka Soomaaliya?

Isniin 10, March 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday.

Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya, taasoo ka dhigan in badankeedu soo idlaatay.

Wasiir Daahir Shire oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay sahminta ay badankeeda soo idlaatay.

“Baaritaan ayaa lagu jiraa, illaa hadda xogtii la raadinayay ee 3D ahayd waxay maraysaa 70%, waana markii ugu horreysay ee geyiga Soomaaliyeed laga sameeyo baaritaan noocaan ah,” ayuu yiri Wasiirka Shidaalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray: “Hadda warbixinnada hordhaca ah ee aan hayno waxay sheegayaan in Soomaaliya noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal.”

Marka laga soo tago Turkiga, Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan heshiis dhinaca shidaalka iyo macdanta ah la gashay dalka Azerbaijan.

Goorta la soo gabagabeynayo sahminta shidaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan shaacisay in bisha April ee 2025 ay noqon doonto waqtiga kama dambaysta ah ee la soo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya, taasoo uu haatan wado dalka Turkiga oo soo diray markab sameynaya baarista.

“April ayaan la soo gabagabeyn doonaa sahminta shidaalka haddii aysan imaan caqabado dib u dhac keeni kara,” sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Aadan.

Wuxuu intaas ku daray: “Sida aan isku afgaranay Turkiga sahminta wada, haddii aysan caqabado imaan, waxaan dejinay qorshaha ah inaan Abriil soo gabagabeyno. Waa in la ogaadaa dabayaaqada bisha goobta saxda ah ee la qodi doono shidaalka.”

Kadib sahminta shidaalka maxaa xiga?

Marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, kuwaas oo aan badankood sahmin lagu sameyn sababo la xiriira walaaca dhanka amniga iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Horraantii sanadkii tegay ee 2024 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta.

Dabayaaqadii isla sanadkaas, markabka baaritaanka ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho, wuxuuna ruqaansaday goobaha loo arko inay ku habboon yihiin baarista, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko kheyraadka la qorsheynayo in la soo saaro.

Marka la helo natiijo la isku halleyn karo, kadib ayaa la guda geli doonaa soo saarista shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

WARARKA