Isniin 10, March 2025 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay in cashuur ay kusoo rogtay shirkadaha isgaadhsiinta ay sidoo kale ku waajibayso lacagaha telefoonada layskugu diro, kadib markii warar arrintaas sheegaya ay suuqa soo galeen.
Wasaaradda Maaliyadda oo ka jawaabaysa su’aalaha ay bulshadu qabto ayaa sheegtay in cashuurta isgaadhsiinta ee (GST) ay ku dhacayso keliya adeegyada ay shirkaduhu bixiyaan, sida lacagta ku hadalka ee mobile-ka, internet-ka mobile-ka (Mobile Data), internet-ka xafiisyada/guryaha, iyo adeegyada kale ee isgaadhsiinta ee shirkaduhu bixiyaan.
“Waxaa soo baxay fariimo been abuur ah oo lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu jahawareerinayo bulshada laguna sheegay in cashuurta GST ee la dhaqan-geliyey ay ku dhacayso lacagaha la isugu diro taleefanka gacanta ee Zaad iyo eDahab, taas oo aan waxba ka jirin haba yaraatee,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda.
Cashuurtan oo ay waajibisay xukuumadda cusub ee Somaliland isla markaana aan hore loo qaadi jirin ayaa cabsi gelisay bulshada, kadib markii ay suuqa soo galeen warar sheegaya in cashuurtaasi ay ku waajibayso lacagaha danabaysan ee telefoonada layskugu diro sida Zaad iyo eDahab.
Xukuumaddu waxay sheegtay in cashuurtan looga golleeyahay kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista dakhliga si loo horumariyo adeegyada ay xukuumaddu bixiso, loona hirgeliyo mashaariicda horumarineed oo wax ka taraya kobaca dhaqaalaha.