spot_imgspot_imgspot_img

Sheekh Shariif oo ka hadlay xaalada dalka iyo dagaalka kooxda AS.

Isniin 10, March 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalka ka socda Shabeellaha Dhexe iyo xubnaha Shabaab-ka ah ee soo galay deegaannada ay degto beeshiisa.

Sheekh Shariif ayaa caddeeyey in uu door ka qaadan doono dagaalka, isaga oo dowladda federaalka ku dhaliilay in aysan wax fursad ah u oggolaan mucaaradka si ay uga qeyb galaan dagaalka.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa dhaliilay dowladda federaalka, isagoo sheegay in aysan diyaarin qorshe ciidan oo looga hortegi karo weerarrada kooxda. “Dalkan ciidan kuma yara, laakiin hoggaan kuma jiro,” ayuu yiri.

“Ciidamada dowladda maanta tiro iyo hub kuma yara, laakiin haddii dagaalku dheeraado oo qaladaadka dhacaya aan la sixin, ciidanku waa daalaa, cadowguna wuxuu ka faa’iidaysanayaa dulduleelka jira. Waxaan aaminsanahay in ciidankeennu yihiin geesiyaal waayey garabkii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa su’aal ka keenay sababta ay dowladda u ogaan weysay maalmaha ay Shabaab ka dhisayeen buundada deegaanka Oobaale oo hoos taga degmada Mahadaay, halkaas oo NISA xalay shaacisay in duqeyn lagu burburiyey.

Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif, ayaa madaxda dowladda federaalka kula taliyey in dib loo abaabulo ciidamada, lana magacaabo saraakiil karti leh oo hoggaanka la wareega.

“Haddii aan dowladda talo siino waa nala dhibsadaa, haddii aan ka aamusnana waa nala dhibsadaa. Annaga iska daaye, dowladihii waaweynaa ee ciidankeena wax ka dhisay ayaa xogaha amni ee ay bixinayaan la dhibsaday oo aan la tixgelin kaalintooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in caburinta ay dowladda federaalku waddo ay gaartay heer ay kala fogaadaan dowladihii taageerayay dhismaha dowladnimada iyo qalabeynta ciidamada qaranka.

“Farriimaha amniga ee ay soo gudbiyaan dowladaha saaxiibadeen ah waa in lagu dhaqmaa, yaana dhinacyo kale loo fasirin. Wixii laga digayana waa in la iska ilaaliyo in ay dhacaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda ay ka gaabisay waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ahaa dagaalka Khawaarijta, sida in loo gurmado ciidamo u baahnaa gurmad, in hub la siiyo ciidamada dagaalka ku jira, iyo in laga hortago Shabaab-ka ka gudbaya webiga oo buundo sameysanaya.

WARARKA