Isniin 10, March 2025 {HMC} Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Canada Mark Carney, ayaa shalay loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Libaraalka Canada, taas oo waddada u xaareysa in uu noqdo ra’iisul wasaaraha Canada maalmaha soo socda.
Carney, oo 59 jir ah, ayaa beddelaya Ra’iisal Wasaare Justin Trudeau, oo bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka, balse xafiiska sii joogi doono inta laga dhaarinayo qofka isaga baddalayo. Carney ayaa ku guuleysatay cod aqlabiyad ah, kaddib marki uu helay 85.9% codadkii la dhiibtay.
Wuxuu xilka la wareegi doonaa xilli ay Canada ka jirto xiisad, taasoo ka dhalatay dagaalka ganacsi ee ay kula jiro Mareykanka oo ay muddo dheer xulafo ahaayeen. Marka uu xafiiska yimaaddo kaddib ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho guud bisha October.
Carney, oo ah nin ku cusub siyaasadda, ayaa ku dooday in uu ku habboon yahay in uu dib u soo nooleeyo xisbiga iyo in uu kormeero wada xaajoodyada ganacsiga ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo ku hanjabaya canshuuro dheeraad ah oo curyaamin kara dhaqaalaha Canada, gaar ahaan qeybta ku tiirsan badeecadaha dibadda loo dhoofiyo.
Carney ayaa noqday qofki u horreeyay oo aan khibrad siyaasadeed laheyn oo ku soo baxa xilka ra’iisul wasaaraha Canada. Hase yeeshee, wuxuu soo noqday guddoomiyaha bankiga dhexe ee dalalka Canada iyo Britian, sidoo kale wuxuu madax u soo noqday labada banki ee ugu waaweyn dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida ee loo yaqaanno G7.