Isniin 10, March 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kuna socota laba dhinac.
Digniintan ayaa waxaa jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), wuxuuna u digay dadka la macaamila Khawaarijta iyo shacabka weli deggan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadkooda.
Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay dhowr jeer digniinno ka soo saartay la tacaamulka Al-Shabaab iyo in laga fogaado goobaha ay joogaan, balse taasi aanay dhaqangelin, walina meelaha qaar laga arkayo in ay joogaan dad shacab ah.
Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaayay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu arkay dad badan oo toos ula macaamilayo kooxaha Khawaarijta, isaga oo markale digniin adag u diray kuwa wali ku jira howlahaas.
Waxaa kale oo uu ku celiyay in bartilmaameed ay yihiin goobaha ay haatan ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Shabaab, sidaas darteedna shacabka looga digayo in ay u dhawaadaan, si looga hortago waxyeelo kasoo gaarta weerarada iyo duqeymaha culus.
“Anagoo aad uga fogaaneyna in shacab waxyeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad, waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa in eysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada oo soo galay gobolkaasi.
Howlgalladan oo ay barbar socdaan duqeymo culus ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, waxaana ugu dambeeysay horjooge Yuusuf Dhegnaas iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo 20 kor u dhaafayay oo duqeyn lagu khaarijiyay.
Si kastaba, dagaallada socda ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah, si loo cuuryaamiyo kooxda Al-Shabaab.