Isniin 10, March 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed oo maanta ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Dooxada Dureera inta u dhaxaysa deegaanka Damala-xagare iyo Dawaco ee Gobolka Sanaag.
Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaalka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dagaalka uu salka ku hayo ismaandhaaf la xiriira dhul-daaqsimeedka Dureera oo muran beeleed soo jiitamayay muddooyinkii lasoo dhaafay, inkastoo hore labadan beelood loo dhex dhexaadinyay, hayeeshee maanta ay isku dhaceen.
Ciidamo ka socda maamulka SSC-Khaatumo ayaa tagay goobta dagaalka, iyagoo wado siddii ay xakameeyaan xiisadda.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda xaaladdu degan tahay, inkastoo laga cabsi qabo in dagaalku mar kale dib u qarxo haddii aan si degdeg ah xal waara loo helin.
Dadka deegaanka ayaa ka walaac xoogan ka muujiyay xiisada soo cusboonaatay, maadaama ay horey u socday dadaalo ku aadan dhameynta xiisada, inkastoo uu fashilmay.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka G/Sanaag iyo Kan SSC-KHAATUMA, kaasi oo ku aadan in ay ka hadlaan dagaalka.