spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay qaaday tallabo la xariirta dagaalka kooxda AS.

Axad 9,March 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, wuxuuna ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, isla markaana ay si toos ah uga qayb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka.

Wuxuu sheegay inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta, taageerada ciidamada, iyo dhisidda bulshada deegaannada laga xoreeyey argagixisada, isagoo aad ugu mahadceliyey.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.

Hadalka Madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Al-Shabaab ay soo qaadeen weerarro rogaal-celis ah, kuwaas oo culeys badan soo saaray gobolka Shabeellaha Dhexe, lana wareegay deegaanno muhiim ah.

WARARKA