spot_imgspot_imgspot_img

Buundo ay ka gudbeen AS kii weeraray Gobolka Sh/dhexe oo la bur buriyey.

Axad 9, March 2025 {HMC} Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa burburiyay Buundo macmal aheyd oo ay adeegsan jireen kooxda Al-shabaab oo ku taala gobolka Shabeellaha Dhexe.

Buundadaaan macmalka aheyd ee la burburiyay ayaa kooxda Al-shabaab kasoo gudbin jirtay gaadiidka iyo dagaalamayaasheeda, waxayna ay ku taala deegaanka lagu magacaano Aw-baalle.

Warsaxàfadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay Al-shabaab qorsheyneysay iney bundada kasoo gudbiyaan.

Howlgalkaan lagu burburiyay Buundada macmalka iyo gaadiidka dagaal ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya mudooyinkii dambe deegaano ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe ay ka waday Hawlgalada ka dhan ah Al-shabaab.

WARARKA