spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo Sacuudiga Ku maalgilinaayo $1tiriliyan oo doollar.

Jimco 7,March 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu todobaadyada soo socda tegeyo Boqortooyada Sucuudi Careebiya, ka dib markii ay oggolaadeen in ay Mareykanka ku maalgeliyaan $1tiriliyan oo doollar, afarta sanno ee soo socota.

“Wey fiicnaadeen, waxay kale oo naga iibsan doonaan qalab millateri iyo waxyaabo badan oo kale.” – Ayuu yiri Trump oo Riyaad ku leh kulamo ku saabsan xiisadda Ruushka iyo Ukraine.

Donald Trump ayaa caleema-saarkiisii sheegey in uu booqashadiisa u horreysa ku tegeyo Sucuudi-ga, haddii ay Mareykanka ku maalgashadaan $500 bilyan, markaas waxa Dhaxal-suge Maxamed Salmaan shaaciyey in uu oggolaaday $600 oo bilyan, hadda ayey si weyn u kordhiyeen!

WARARKA