Jimco 7,March 2025 {HMC} – Hoggaanka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa u muuqda inay aaminsan yihiin in dagaal u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya uu yahay mid aan laga fursan karin.
Wareysi uu siiyay Barnaamijka Brakhe Show, Amanuel Assefa, Guddoomiye Ku-xigeenka garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, wuxuu yiri “waxaan arkeynaa bandhigyo ciidan oo u muuqda diyaar garow dagaal.” Dagaalka, ayuu yiri, wuxuu yeelan doonaa khatar juqraafi siyaasadeed, labada dalna waa inay si xikmad leh uga fekeraan.
“Aniga ahaan saadaashayda xaaladdu uma horseedi doonto xaalad nabadeed; shaki kuma jiro inay horseedi doonto dagaal,” ayuu raaciyay.
Wuxuu xaaladda labada dal ku tilmaamay mid “walaac leh.” Wuxuu sharaxay “Haddii labada dal ay dagaal galaan, Tigray ayaa noqon doonta goobta dagaalka. Dadkeennu waxay soo mareen dhibaatooyin badan. Dagaal nagu filan ayaan soo marnay.”
Gobolka Tigray waxaa burburiyay dagaalkii laba sano socday ee u dhexeeyay maamulka gobolka Tigray ee uu hoggaaminayay TPLF iyo dowladda federaalka ah ee uu hoggaaminayay Abiy Axmed, kaasoo sidoo kale burburiyay gobollada Afar iyo Amxaarada ee Itoobiya.
Amanuel wuxuu sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya xiriirka hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF iyo dowladda Eritrea. Wuxuu ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn; wax caddeyn ah haba yaraatee.
TPLF ama hoggaamiyeyaasha ciidamada ammaanka ma raaci doonaan tallaabo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo ay la midoobaan Eritrea ama “ciidamo kale.” “Ciidamada kale” lama faahfaahin.
Waxaa jirey eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF – kuwaas oo markii dambe muujiyay taageerada garabka uu hoggaaminayo Debretsion Gebremichael – ay dahab ka tahriibinayeen goobaha macdanta ee Tigray iyaga oo marinaya Eritrea. Eritrea sidoo kale way beenisay.
TPLF waxay u muuqataa inay leedahay taariikh dhow oo xiriir la leh Masar. Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray iyo hoggaamiyaha mid ka mid ah garabyada TPLF, ayaa shaaca ka qaaday dhowr bilood ka hor in Masar ay taageero siisay TPLF intii lagu jiray dagaalkii laba sano socday ee ka dhanka ahaa dowladda uu hoggaaminayo Abiy Axmed.
Masar ayaa hadda xulufo la ah Eritrea iyo Soomaaliya, sida muuqata iyadoo rajaynaysa inay sii wiiqdo Itoobiya.
Toddobaadkii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, wuxuu ku sugnaa Asmara, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki arrimo kala duwan oo ay ku jiraan amniga gobolka.
Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya wuxuu ku dhow yahay heer isku dhac ciidan ka dib markii labada dal ay is weydaarsadeen eedeymo.
Maqaal ra’yi ah oo uu qoray Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Tehome, oo lagu daabacay Al Jazeera – kaas oo dowladda Itoobiya ay markii dambe beenisay – ayaa ku eedeeyay Eritrea inay la shaqeyneyso mid ka mid ah garabyada TPLF si ay u huriso isku dhac gobolka Geeska Afrika.
Eritrea dhankeeda waxay ku eedeysay Itoobiya “hurinta dagaal.”