Khamiis 6 Maarso 2025:{HMC} Bulshada ku nool Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ayaa Cabasho ka Muujiyay Waqtiga Afurkii ah Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya oo inta badan Waqtiga Habeenkii ah is Rasaaseyn ku dhax marto Xaafadan. Sidoo Kale Bulshada ayaa sheegay in is Rasaaseyntaasi ay ku dhaawacmeeyn ilaa 5 qof oo Shacab ah.
Waxaana ay intaasi ku dareeyn in Ganacsiga Habeenkii ah oo xirmay inta Lagu jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan. Wax Laga Xumaado ayey ku tilmaameeyn in Ciidamada Hay’ada Nabad-sugida iyo kuwa ilaalo qaran ay Habeen walba dhibaato ku haayan Shacabka Dagan Xaafadan.
Shacab Careeysan ayaa iskuga soo baxay xaafadan, waxa aay Mudaharaadyo aay Arintaas uga soo horjeedaan ka sameeyeen Wadada Laamiga ah ee isku xirtay Buundada liqliqato ilaa Suuqa Xoolaha Xaafada Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne .
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Kan degmada Baladweyne iyo Saraakiisha Ciidamada ayey ugu baaqeeyn in Arintan ay wax ka qabtaan isla markaana Laga Xakameeyo Xaafadan waqtiga Habeenkii ah Ciidamada.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa bartamahii Sanadkii hore la dajiyay Xaafada Howl-wadaag kadib markii Saldhigii ku yaalay ay ka baxeeyn Ciidamada Jabuuti ee qeeybta ka ahaa Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya. Waxaana waxii intaasi ka dambeeyey Bulshada ay Muujinayeen Cabasho xoogan