spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo si toos ah ugu hanjabay Ururka Xamaas

Khamiis 6 Maarso 2025:{HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii hanjabaad toos ah u jeediyay kooxda Xamaas ee Qasa, isagoo qoraal soo dhigay bartiisa, Truth Social.

Waxaa uu Trump Xamaas ka dalbaday inay si degdeg ah u siideyso dhamaan la haystayaasha, isla markaana la soo celiyo meydka dadkii la dilay.

Trump ayaa dhanka kale ka digay “cawaaqib xumo dhab ah”, hadii ay kooxda Xmaas sii deyn weydo dadka la heysto.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu ku adkeystay inuu Israa’iil ka taageeri doono Israa’iil wax kasta oo ay u baahantahay “si howsha loo dhameeyo”.

Ma aha markii ugu horreysay oo Trump uu u hanjabo Xamaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay guul ka gaaraan Xamaas ee Gaza.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Israa’iil iyo Washington ay diideen hindise ay Masar hormuudka ka tahay oo ku aaddan mustaqbalka Gaza, iyagoo sheegay in ay ku guuldareysteen in ay wax ka qabtaan xaqiiqada ka jirta dhulkaas.

Isagoo ka hadlayay markii uu xafiiska la wareegay abaanduulaha ciidamaad qalabka side ee Israa’iiil , Mr Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay inay si buuxda u gaarto ujeeddooyinkeeda.

Taliyaha cusub ee militariga Israa’iil , General Eyal Zamir, ayaa sheegay in sanadka 2025 uu noqon doono sanad dagaal.

Waxaa uu xusay in inkastoo ciidamada difaaca ay guulo badan soo hooyeen, haddana howshooda aysan wali fari ka qodnayn.

WARARKA