Khamiis 6 March 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump auaa dhawaan ku dhawaaqay in lacagta Crypo loo yaqaanno lagu dari doono kaydka lacagta ee Maraykanka.
Trump wuxuu intaa ku daray in sababta sidaa loo samaynayo ay tahay in Maraykanku uu galo kaalin muhiim u ah hogaamintiisa xagga dhaqaalaha ee adduunka, ayadoo maanka lagu hayo in lacagta Crypto ay door weyn ka cayaarayso qaabaynta baayac mushtarka dunida, maalgashiga iyo Tiknoloojiyada.
Hadaba arrintan maxay ka dhigan tahay. Su’aashaas iyo qaar kale ayuu Faarax Lamaane oo BBC ka tirsan weydiiyey Axmed Xasan Cabdi (Busuri) oo ah macallin dhiga Crypto currency iyo sida ay u shaqayso.