spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo Sheegtay in duqeyn Cirka ah ay ka fulisay Gobolka Shabeellaha dhexe

Khamiis 6 March 2025 {HMC} Sida uu daabacay Wall africa journal WAJ diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya ayaa duqaymo lagu beegsaday Al shabaab ka fuliyay gobolka Shabeelada Dhexe

Warka ayaa intaas ku daray in dayuuradaha Itoobiya ay duqeynta ka fuliyeen degaanka Daaru-Nimca oo habeenkii xalay la arkayay diyaarado duqayn ka fulinayay goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Madaafiic aan la garanayn oo aad u culus aadna u dhawaq wayn ay ku dhaceen keymaha Daarul-nimca kuwaa oo qasbay in ay gubato qeybo ka mid ah deegaankaas.

Haddii warkan la xaqiijiyo Waxay noqoneysaa markii ugu horeesay oo diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya ay toos uga qayb noqdaan dagaalka ka dhanka ah al shabaab.

Dayuuradahaaan duuliyaha laheyn ee Mareykanka iyo kuwa Turkiga ayaa looga bartay iney duqeeyaan goobaha ay joogaan al shabaab iyagoo taageeraya ciidamada DF.

Itoobiya ayaa waxaa Somalia ka jooga kumanaan askari oo badankood ku sugan gobolada Bay bakool iyo Gedo waxayna qaarkood qeyb ka yihiin ciidamada midowga afrika ee nabad ilaalinta u jooga Somalia.

WARARKA