spot_imgspot_imgspot_img

Faahfaahino Kasoo Baxayo Howlgal Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

Khamiis 6 Maarso 2025:{HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Geerile oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaasoo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa si gaara ah u fuliyay Ururka 85-aad ee guutada 77-aad ee xoogga dalka, waxaana lagu dilay ilaa 7 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda.

Meydadka maleeshiyaadka la dilay iyo hub laga furtay ayaa ciidamadu ku soo bandhigeen deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

“Ciidanka Soomaaliyeed, ayaa maanta howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Geerille ee gobolka Gal-guduud ku dilay 7 maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Howlgalkan guusha leh ayaa sidoo kale ciidanku ku soo furteen qori nooca PKM ah iyo laba qori Ak 47 ah taasoo muujinaysa guusha ciidanka XDS ka gaareen dagaalka lagula jiro cadowga” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda.

Gobolka Galgaduud waxa uu ka mid yahay meelaha wali ay kooxda Al-shabaab ku xoogan tahay, waxana halkaas marar badan ka dhacay howlgalo noocaan oo kale ah oo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

WARARKA