Khamiis 6 March 2025 {HMC} Hadal-hayn badan ayaa ka dhalatay hadal dhawaan ka soo yeedhay ciyaaryahanka reer Maraykanka ee caanka ku ah kubadda kolayga oo la yidhaahdo Jaylen Brown oo ku ku saabsan cunno-Soomaalida.
Ciyaaryahankan oo ka jawaabayay weydiin ahayd nooca cuntada uu jecel yahay ayaa sheegay in uu xiiseeyo oo ay dookha kowaad u tahay cuntada Soomaalidu.
“Waxa aan jeclahay cuntada Soomaalida. Waxaan leeyahay saaxiibbo wanaagsan oo Soomaali ah. Waa dookhyaga kowaad, gaar ahaan xilliyada afurka ee bisha Ramadan” ayuu yiri Jaylen Brown oo ah cayaaryahan Muslim ah.
Jaylen Brown waa ciyaartoy kubbadda koleyga ku caan baxay oo ka tirsan naadiga Boston Celtics. Sannadkii 2016 kii oo ciyaaraha ku soo biiray ilaa iyo hadda waxa jabiyay rikoodho dhowr ah, waxaana lagu yaqaan orodka, awooddiisa gool-dhalinta iyo xirfadihiisa difaacashada. Brown waxa uu muddo dheer ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Celtics, isagoo kasbaday bilado dhowr ah islamarkaana kooxda ku hoggaamiyay guulo is daba joog ah. ”
Brown waxa uu afar jeer noqday xidigga NBA All-Star isaga oo naadiga Boston la gaadhay wareegga kama dabaysta. Si la mid ah waxa uu kooxda Celtics ka caawiyay in ay gaadhaan dhammaadka horyaallada 2022 iyo 2024, isagoo ku guuleystay Abaalmarinta MVP oo ah mid sannadle ah oo la siiyo ciyaarahanka muujiya qaab-ciyaareed joogta ah sannadkaasi.
Maxaan ka naqaan cunto-Soomaaliga
Bulshada Soomaalidu dhaqan ahaan waxa ay leedahay cunno-dhaqmeed la yaqaanno oo badankoodu ka kooban noocyada kala duwan ee dalagga, kuwaasi oo ay ugu magac dheer yihiin, soorta, massagada, dhigirta ama cambuulada iyo noocyo kale. Waxa jira halqabsi faafay oo ah cad iyo caano oo loo jeedo cuntada laga helo xoolaha oo muddo dheer ahaa insha ay Soomalidu nolol ahana ku tiirsan tahay. Waxaa se jira cuntooyin laga soo dhoofiyo dibadda oo ay bulshada Soomaaliyeed si maalinle ah ugu tiirsan tahay. Waa ugu horreeya bariiska iyo baastada oo aan sinaba uga maqnayn nolol-maalmeedka qofka Soomaaliga ah.
Idil Tahliil Maxamuud waa khabiir ku takhasusay nafaqaynta waxa ay BBC-da ugu warrantay qaybaha ay ka kooban tahay noocyada badan ee la isku yidhaahdo cunno-Soomaali.
“Cunnooyinka Soomaalida waxa ay u badan yihiin waxyaabaha ka soo baxa dhulka ee la dalagga loo yaqaan sida gallayda, magagada, qmadiga, hilibka iyo caanha. Soomaalidu waxay inta badan ugu yeedhaan cad iyo caano. Waxa kale oo ay isticmaalaan khudaarta oo ay ku jiraan, muuska iyo cambaha iyo kuwa la karsado, sida bocorka, koostada iwm. Cunno Soomaali markii la yidhaa waxa sidoo kale qofka ku soo dhacaya kalluunka.”
Faa’iidada cunno-Soomaaliga
Jaadadka kala duwan ee cunto-Soomaalidu u kala baxdo ayaa caafimaad ahaan lagu sheegay in faa’iidooyin ay u leeyihiin jidhka bani’aadanka, sida ay qabto Idil Tahliil Muxumed.
“Cunnooyinka Soomaalidu isticmaasho waa kuwo waxtar ahaan aad u sarreeya. Wax aku jira nafaqooyin, fiitamiinno iyo borotiinno uu jidhku u baahan yahay. Waa cunnooyin ay ku jiraan tamar badan. Waxa kale oo Soomaalidu ay caan ku tahay hilibka iyo caanaha oo ka qayb qaata korriinka qofka.”
Muddooyinkii la soo dhaafay waxa soo ifbaxayay shakhsiyaad ajaanib ah oo sheegay in ay jecel yihiin cunnooyinka ay Soomaalidu quutaan. Haddaba, waxa isweyddiin leh in waxa ku riixaya dadkaasi ay tahay dhadhanka cunno Soomaaliga iyo in ay ka fiirinayaan dhinaca faa’iidada.
Idil Tahliil Muxumed ayaa ku doodaysa in qaabka loo kariyo cunnooyinka Soomaalidu ay yihiin kuwo dadka shisheeyaha ah ku qasbaya in ay jeclaadaan.
“Inta badan cunnooyinka uu waxtarkoodu uu liito waxa aan og nahay inay yihiin kuwo dhadhankoodu uu soo jiidasho leeyhay. Waxa ka mid ah cunnooyinka fudud oo inta badan ah caafimaad waxyeello u gaysta, waxa kale oo cuntooyinka qayb ka qaata sida loo kariyo. Sababta keenaysa in cunto Soomaaligu ay soo jiidato ajaanibta waxa ay ku xidhan tahay hannaaka loo kariyo”.
Khabiirka ayaa dooddeeda ku xoojisay in cunto-Soomaalidu ay tahay mid ka kooban hab-nololeed bulshooyin dhowr ah oo ay ku kulmeen dhadhamo kala duwan, iyada oo ay sidoo kale jiraan oocyada xawaashyada ee lagu daro oo laga yaabo in soo jiidasho gooni ah ay u yeelaan.
XIGASHO BBC