spot_imgspot_imgspot_img

Baarlamaanka Jubbaland Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Soo Dhisida Golaha Wasiirada Maamulkaas

Khamiis 6 Maarso 2025:{HMC} Xubnaha Golaha Aqalka wakiilada ee Jubbaland oo maanta fadhi ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa isku raacay in muddo kordhin sedex bilood ah loogu daro Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam si uu usoo dhiso Golahiisa wasiirada cusub.

Kooramka Baarlamaanka oo saakay ku furmay 47 mudane ayaa dhammaantood waxa ay cod aqlabiyad ah ay muddo kordhin sedex bilood ah ugu dareen in Axmed Madoobe uu kusoo dhiso Golahiisa wasiirada, mana jirin cid ka aamustay ama diiday sida uu Guddoonka Baarlamaanka shaaciyay xiritaanka fadhiga.

Waa markii labaad oo Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland uu kasoo codsanayo aqalka wakiilada Jubbaland inay muddo ay ugu daraan sidii uu Golahiisa wasiirada uu usoo dhiso, waxaanse la ogeyn in arintaan ay ka dambeeyso culeesaadka ay Dowladda saareyso maamulkaasi.

Dowladda federaalka oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Jubbaland ayaa cunaqabateen kusoo rogtay oo dhinaca duulimaadyada ah sidoo kalena waxa ay ka joojisay kabkii ay siin jirtay ee lagu kabi jiray miisaaniyadda Jubbaland si lamid ah waxaa hakad galay mashaariicdii horumarineed ee laga sameen jiray degaanada Jubbaland sida ay dhowr jeerba uu Maamulkaasi ku andacoodey.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxa uu iskaga baxay Shirkii madasha wada tashiga qaran ee Dowladdu kusoo bandhigtay in dalkaan laga qabanayo Doorasho Qof iyo Cod ah taa uu si weyn uga soo horjeestay Axmed Madoobe, waxaana uu qabsaay doorasho markale ay aqalka wakiilada Jubaland ay dib ugu soo doorteen inuu noqdo Madaxweynaha Jubbaland.

WARARKA