spot_imgspot_imgspot_img

Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye oo ka Wadahadlay Arrimo Xasaasi ah.

Arbaco 5 Maarso 2025:{HMC} Xukuumadda Somaliland iyo hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye ayaa ka wadahadlay xoojinta difaaca Somaliland iyo adkaynta midnimada ummadda.

Kulan madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye, oo uu xisbiga Kulmiye soo codsaday, ayaa lagu gorfeeyay arrimo muhiim u ah hore u socodka Somaliland.

“Kulanka ayaa waxaa lagaga wada hadlay isla markaana lagu falanqeeyey ka wada shaqaynta amniga, xasilloonida iyo difaaca qaranka, adkaynta midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland, iyo dhammeystirka iyo kobcinta hannaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Dhanka kale, qoraalka waxa lagu sheegay in hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye ay madaxweynaha la wadaageen talooyin guud oo la xidhiidha xaaladaha haatan taagan ee xagga amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale, waxay ku bogaadiyeen qaramaynta ciidamada madaniga ah.

Kulmiye waxa uu hoosta ka xarriiqay in laga koro khilaafaadka siyaasadeed si loo helo Somaliland midaysan oo horumarkeeda meel uga soo wada jeesata. Waxa kale oo ay xuseen muhiimadda ay leedahay xoojinta hannaanka dimuqraadiyada si loo gaadho doorashooyin hufan. Intaa kadib, madaxweynaha ayaa xisbiga Kulmiye ku bogaadiyey talooyinka ay soo jeediyeen.

Somaliland ayaa kasoo gudubtay khilaafyo siyaasadeed, sidoo kale waxa taagan colaado xilli kasta qarxi kara, kuwaas oo ay xukuumaddu sheegtay inay wadahadal u marayso xalintooda, iyadoo ciidamo beeleedyo ka samaysmay gobollada qaar la qarameeyey.

WARARKA