Arbaco 5 Maarso 2025:{HMC} Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur ayey markii ugu horeysay uga hadleen dagaallada culus ee ka socda Hirshabeelle iyo weerarrada joogtada ah ee Al-shabaab ku heyso Gobolka Sh/Dhexe.
Qoraalka ayaa lagu yiri: “Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegis lagu sameeyo dagaalka lagula jiro khawaarijta, degdegna wax looga qabto sababaha keenay in ay maanta duulaan yihiin argagaxisadii ay sanad ka hor baacsanayeen ciidankeenna iyo halgamayaasha deegaanka, dibna u qabsadeen qaar ka mid ah deegaanadii horay looga xoreeyey ee Sh/Dhexe”
Sidoo kale qoraalkooda ayaa waxaa intaasi lagu daray “ Waxaan si buuxda u garab-taagannahay ciidamada qalabka-sida oo ay ugu horreeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo halgamayaasha degaanka ee Macawiisleyda ee Argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab kula diririya gobollada Bari iyo Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle:-