Wednesday 5 March , 2025 {HMC} Waajib ayey inagu tahay dhammaanteen in aynu garab istaagno Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah, kuwaas oo kula dagaalamaya cadowga dhammaan furimaha dagaalka iyo goobaha ay soo weerareen ee Shabeellaha Dhexe. Arrintani malahan muxaafidnimo iyo mucaarad ee waa waajib qaran iyo masuuliyad taariikhi ah.
Dhaqdhaqaaqyada argagixisada Alshabaab ay ka sameeyeen deegaannada ka tirsan Shabeellaha Dhexe waxa ay muujinayaan sida argagixisadu ay uga faa’iideysanayaan khilaafaadka dhexdeenna ah iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, xalna loo helo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka si loo sii labo jibaaro howlgallada sifeynta dalka ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo Daacish oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sifeynayaan deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan buuraha Cal-Miskaad.
Waxaa muhiim ah in la xoojiyo dhiirri-gelinta ciidamada iyo abaabulka dadweynaha ee dagaalkan masiiriga ah, anigoo ugu baaqaya shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidanka, kana feejignaadaan marin-habaabinta iyo beenta ay faafinayaan argagixisadu.
Ugu dambeyn, waxaan mar kale adkaynayaa sida ay muhiimka u tahay in la mideeyo dadaallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah, si Soomaaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qarannimo buuxda.