spot_imgspot_imgspot_img

Faah-faahinta: Duqeymo culus oo xalay ka dhacday Daarunicma.

Arbaco 5 Maarso 2025:{HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Aadan Yabaal, Al-Kowsar iyo deegaanada ku xeeran Daarunicma.

Duqeynta oo bilaabatay fiidkii hore ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayee xubnaha Al-Shabaab ee soo galay gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana magaalada laga dareemay duqeynta oo ahayd mid xoogan oo bartilmaameed ah.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo holac iyo uuro is qabsatay hawada sare, kadib weerarka cirka ah oo ay diyaaraduhu la beegsadee \n argagixsada ku suan Daarunimca oo maalmo kahor la wareegay deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalamayaal badan iyo horjoogayaal ku sugnaa halkaasi, balse ma cadda tirada rasmiga ah.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan howlgalka xalay ka dhacay aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid cakiran iyada oo la dareemayo saameynta duqeyntaas.

Waxaa sidoo kale duqeymo kuwaan lamid ah ay xalay ka dhaceen aagga degmada Ceelbaraf oo ay dib u gurasho uga soo baxeen ciidamadii shalay gudaha u galay degmadaasi, waxaana halkaasi lasoo wariyay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Shabaab.

Khasaaraha ugu badan ee duqeymaha ayaa lagu gaarsiiyey kooxda. Saddex gaari oo kuwa dagaalka ah iyo maleeshiyaadkii saarnaa ayaa la xaqiijiyey in looga gubay inta u dhaxeysa Biyacadde iyo Ceelbaraf, halkaas oo ay ku dhinteen maleeshiyaad tiro badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan guluf dagaal ka wadda deegaannada HirShabelle, iyada oo kaashaneyso dadka deegaanka, si looga hortego abaabulka kooxda Shabaab.

Qorshaha dowladda ayaa sidoo kale ah in maalmo kooban lagu soo afjaro Al-Shabaab-ka soo galay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isticmaalayo taatiko dagaal oo yareynayo ama laga baaqsanayo khasaare soo gaara shacabka iyo ciidamada qaranka, sida ay noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

WARARKA