Arbaco 5 Maarso 2025:{HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo muddo lix todobaad ah haya xilka, ayaa khudbad ka jeediyay Congress-ka Mareykanka.
Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynuhu halkaas ka jeediyay oo ay kamid yihiin dhaqaalaha dalka, gaar ahaanna dagaalka ganacsi, arrinta dagaalka Ukraine, socdaalka iyo waxyaabo kale.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheehay inuu “farriin muhiim ah kahelay” hogaamiyaha Ukraine, subaxnimadii hore ee manta, taas oo u muuqata inay tahay qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Volodymyr Zelensky.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Talaadadii sheegay, in uu doonayo in uu “wada xaliyaan” khilaafka ka dhex jiray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isla markaana wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhacda Ukraine.
Waxa uu sidoo kale ku celiyay in Ukraine ay diyaar u tahay inay heshiis macdan ah la saxiixato Mareykanka, heshiiskaas oo uu diiday kulankii Washington.
Trump ayaa la soo warinayaa inu rajeynayay inuu aqalka Congress-ka ka shaaciyo heshiiska macdanta, balse heshiiska yaanan ahayn mid la isku af-gartay.
Dhanka kale, mar uu ka hadlayay arrimaha la xirriira dagaalka ganacsi, waxaa uu sheegay in canshuurta lagu soo rogay badeecadaha dalalka sida Shiinaha, Mexico iyo Canada ay lahaan doonaan saameyn aan xooganayn, balse ay sare ugu qaadi doonaan dhaqaalaha Mareykanka.