spot_imgspot_imgspot_img

Maxbuus 12 Sano ku Xirnaa Dalka Biljam oo loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya

Talaado 4, March 2025 {HMC} Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) 12 sano ku xirnaa Dalka Biljam ayaa maanta ku guuleystay HOP248 oo horay ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo xubinnada Golaha Shacabka ku waayay aqbalidda xilka agaasime ku xigeenka Hay’adda NISA.

Doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayuu Maxamed Cabdi Xasan Afweyne xubin uga noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayaa jadwaleeyay buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad, waxaa diiradda u saaran kuraas kale oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Marka uu Xildhibaan is casilo ama uu qabto xil uu ku weyn karo xubinnimada Baarlamaanka waxaa kursigii uu ku fadhiyay dib loogu celiyaa Beesha isla leh oo loo muddeeyo waqtiga la qabanayo Doorashada si kursigaas loogu helo Xildhibaan ku metala.

Afweyne oo Janaayo sanadkii 2013 ku dhawaaqay in uu ka baxay Kooxihii Burcad badeedda ee xiligaas dardarta ku socotay ee malaayiinta doollar madax-furashada uga qaatay Maraakiib la qafaashay ayaa lagu xiray Magaalada Brussels ee Dalka Biljamka Oktoobar 2013kii.

Xabsi ku yaalla Biljamka ayuu kusoo qaatay ku dhowaad 12 sano isaga oo dhowaan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, waxa uu dib usoo laabashadiisa dalka kusoo beegmay iyada oo uu bannaan yahay kursigaan uu ku guuleystay maanta.

WARARKA