spot_imgspot_imgspot_img

Degmada Ceelbaraf oo Dib looga Saaray AS

Talaado 4, March 2025 {HMC} Ciidamada Deegaanka iyo kuwa Dowlada oo is Garabsanayo ayaa gacanta ku dhigay Degmada Ceel Baraf ee Gobalka Shabeelaha Dhaxe.

Duqeeyn toos ah oo muda socotay kidib waxa suurtagal u noqotay ciidamada Dowladda iyo kuwa Deeganka in aay gudaha u galaan ceelbaraf oo aay horay ugu sugnaayeen Kooxda AS.

Mudooyinkii Dambe waxa Gobalka Hiiraan kusugnaa Taliyaha Ciidanka lugta waxa uu ku hoowlanaa Dardargalinta Dagalka ka dhanka ah ee kooxda AS, Maalinimadii shalay ayeey eheed markii uu kula Hadlay Deeganka Qoryaale ciidamada Macawiisleeyda waxaana Goobtaasi kula sugnaa Madaxweeyna ku Xigeenka Hirshabeele.

Ciidamada la socday kuwa Dowladda ee Gacanta ku dhigay Degmada Ceelbaraf ayaana ahaa Ciidamadii uu Taliyaha Ciidanka lugta Kula Dardaarmay Deeganada Xalfooleey iyo Qoryaale ee Gobalka Hiiraan.

Xaalada Degmada Ceel Baraf ayaa hada ah mid degan waxana ku sugan cidamada Dowladda iyo kuwa Deeganka waxa sidoo kale loogu Baaqay Qooysaski Deganaa oo Markii Hore Badankooda iskaga Barakacay in aay Dib ugu Soo laaabtaan.

WARARKA