Isniin 3, March 2025 {HMC} Taliyaha Ciidamada Itoobiya, Janaraal Birhanu Jula, ayaa sheegay in wakhti yar kaliya ay ka harsan tahay in Itoobiya ka mid noqoto dalalka ku xeeran Badda Cas.
Hadalka Janaraal Birhanu ayaa yimid dhowr maalmood kadib markii Itoobiya iyo Soomaaliya ay gaareen is-afgarad lagu dejinayo xiisaddii ka dhalatay heshiiska MoU ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen Janaayo 1, 2024.
Heshiiskaasi ayaa Itoobiya u ogolaanayay inay hesho marin Badda Cas ah oo ay uga gudbi karto dhulka Somaliland, laakiin waxaa si adag uga soo horjeestay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamtay gardarro cad.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka cusub ee kasoo baxay Janaraal Birhanu ayaa sii xoojiyay shakiga laga qabo in Addis Ababa ay wali damacsan tahay inay sii waddo hirgelinta heshiiska muranka dhaliyay ee Somaliland.
“Wakhti yar uun baa ka hadhsan in Itoobiya ka mid noqoto dalalka ku xeeran Badda Cas,” ayuu yiri Janaraal Birhanu, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin sida taasi ku dhici doonto.
Xukuumadda Itoobiya wali si rasmi ah ugama hadlin, haddii hadalka Birhanu uu ka dhigan yahay in dib loo xoojinayo heshiiska MoU ee lala galay Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay in isku day kasta oo lagu hirgelinayo heshiiskaasi loo aqoonsan doono gardarro ka dhan ah madaxbannaanideeda.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa horey u sheegay in mustaqbalka dhaqaale ee Itoobiya uu ku xiran yahay helitaanka deked toos ah, hase yeeshee wuxuu xusay in arrintaasi lagu raadinayo wadaxaajood nabadeed.