spot_imgspot_imgspot_img

AFRICOM Oo War Ka Soo Saartay Duqeyn Ay Ka Fulisay Ceelbaraf

Isniin 3, March 2025 {HMC} War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha dhexe.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan, in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka, ay duqeymo la beegsadeen Xarumo ay Al-shabaab ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelada Dhexe,

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntay ku burburiyeen gaadiid, iyo xubno badan ay ku dileen duqeynta, inkastoo aysan sheegin tirade rasmiga ah.

Waxaa kale oo sheegeen in aysan wax rayid ah oo khasaaro ka soo gaaray duqeynta.

Taliska AFricom ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay soo qorsheeyeen, islamarkaana ay ku xoojin doonaan howlgallada sidan oo kale ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay wehliyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wada tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada halista ku ah Mareykanka, ciidamadeena iyo shacabkeenna dibadda.

Dowladda Soomaaliya aya kal hore sheegtay in duqeyn la beegsadeen maleeshiyaad Al-shabaab oo diyaarinayay qaraxyo .

WARARKA