Qoraal kasoo baxay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa loogu sheegay cid kasta oo ay khusayso buuxinta kuraasta ka bannaanaatay golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in Guddigu ku wargelinayo daneeyayaasha in la qabanayo doorashada labada kursi ee degaan doorashadoodu tahay Dawlad-Gobleedka Galmudug.
Labadaan Kursi ayaa horey waxaa uu baneeyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo loo Magacaabay Agaasime is ku xigeenka Hay’adda NISA iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 uuna baneeyay Saadaaq Joon ayaa lagu wadaa in doorashada buuxinta kursigaasi ay dhacdo 6da Bishaan Maarso, halka kursiga tirsigiisu yahay HOP#049 oo uu baneeyay Mustaf Dhuxulow ee doorashada buuxinta kursigaasi la qaban doono 8da bishaan Maarso.
Kuraas kale oo 3 ah ayaa wali ka banaan Golaha Shacabka waxaana kamid ah Kursiga uu baneeyay agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Kuraas ay ka geeriyoodeen labada xildhibaan ee kala ahaa Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey.
25kii Bishii lasoo dhaafay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe ayaa warqad uu u diray Guddiga Doorashooyinka ugu sheegay inay si dhaqsa leh kusoo buuxiyaan kuraasta 5ta ah ee ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya.