spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaan Soomaali ah oo loo doortay baarlamanka Ontario.

Sabti 1, March 2025 {HMC} Xisbiga muxaafidka ee Progressive Conservative (PC) ayaa ku guuleystay doorashada gobolka Ontario ee dalka Canada oo xalay lasoo gaba-gabeeyay.

Maxamed Firin oo kamid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee ku koray dalkaas ayaa kamid noqday murashixiinta ka tirsanaa xisbigaas ee guuleystay.

Gobolka Ontario ee dalka Canada, oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee dalkaas, ayaa waxa ay dooranayeen madaxa gobolkaasi hoggaamin doona 4-ta sano ee soo socota.

Doorashada ayaa kusoo beegantay xilli ay suuragal tahay inay dhaqan-gasho canshuur kordhin 25% ah, oo madaxweynaha Mareykanka uu kusoo rogay waxyaabaha dalkaasi uu usoo dhoofiyo Mareykanka.

WARARKA