spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha NISA oo Isbitaallada ku booqday Asrkartii ku dhaawacantay Dagaalka ka dhan ka ah AS.

Sabti 1, March 2025 {HMC} Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa caawa isbitaallada magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha Dadka Deegaanka ee ku soo dhaawacmay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu ciribtirayay haraadiga Khawaarijta.

Taliye Sanbaloolshe ayaa si uu ugu kuurgalo xaaladdooda caafimaad mid mid u dul istaagay dhaawacyada geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka oo lagu dabiibayo magaalada Muqdisho, wuxuuna adkeeyay dadaalka dowladda ee daryeelka iyo daweynta Ciidamada.

WARARKA