Sabti 1, March 2025 {HMC} La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa sheegay in Dowladda dejisay qorshayaal isugu jira kuwo muuqda iyo kuwa qarsoon oo looga hor tegayo laguna wiiqayo Al shabaab
Waxaa uu xusay in Dowladdu hadafka koowaad ka dhigatay in furimaha dagaalka lagu jabiyo Al shabaab taasoo si weyn loogu guulaystay lagana saaray dhamaan meelihii ay ku gaban jirtay kana soo abaabuli jireen weerarada.
Sidoo kale La-taliyaha ayaa xusay in si weyn loo wiiqay lana soo af jaray illihii dhaqaalaha ee Al shabaab, iyadoo loo sameeyey habraacyo sugan oo lagula dagaalamo loogana hor tegayo farsamo walba oo ay isku daydo in ay dhaqaale ku helaan.
Dhinaca kale Xuseen Macallin la-taliyaha Amniga Qaranka waxa uu sheegay in dowladdu gaarsiisay adeegyadii dowladda ee ay u baahnaayeen Shacabka ku nool goobihii laga xorreeyey Al shabaab, adeegyadaas oo ka mid yihiin caafimaadka, Waxbarashadda iyo in dib loo hawlgeliyo ceelashii biyaha oo ay hore u dumiyeen Al shabaab
Ugu dambayn wuxuu la taliyaha Amniga Qaranku caddeeyey in dhamaan la xiray barihii Warbaahinta ee Al shabaab ku faafin jireen wax uu ugu yeeray been abuurka iyo afkaarta gurracan ee ku dhagraan Shacabka Soomaaliyeed