spot_imgspot_imgspot_img

Gaadiidleyda Gobalka Hiiraan oo Cabasho ka ah Marista Wadooyinka Puntland

Sabti 1, March 2025 {HMC} Gudiga Gaadiidleyda Gobalka Hiiraan ayaa waxa aay cabasha ka muujiyay dhac loo geeysto Gaadiidka ku safro Deegaanada puntland, Kulan aay isugu yimaadeen Gudiga Gaadiidleyda Gobalka Hiiraan oo ka dhacay Magaalada Baladweeyne ayey ku sheegeen in dhoowr Baabuur horay loogu dhacay deeganada puntland.

Gudiga Waxa aay sheegen in 15 Maalin Ka Hor gaadiid laga leeyahay Hiiraan lagu dhacay Gobalka nugaal Gaar ahaan Degmada Burtinle, waa aayna tilmaameen Shaqsiga Haasto Gaadiidka oo lagu Magacaawo Abdiraxmaan Muuse ileey kuna Sugan Degmada Burtinle in uu ka Mid ahaa Saraakiisha Ciidamadii Dowladii Maxamed Siyaad Bare.

Gudiga ayaa Sheegay in ninkaan uu Horay Dhoowr Mar Gadiid laga leeyahay Hiiraan u Qabsaday Balse aay Maamulka puntland Kasoo daayeen Gaadiidkii uu Qabsaday.

Baaburta Xamuulka ah ee ka baxo Gobalka Hiiraan ayaa inta Badan waxa aay u qadaan Gobalada Waqooyi Qudaarta iyo Xoolaha nool.

waxa aay walaac xoogan ka muujiyeen Marista wadada Dheer ee Xariirisa Gobalada Dhaxe iyo Caasimada Muqdisho Gaar Ahaan Burtinle iyo Gaalkacyo, Gudiga waxa aay Sheegeen in dhoowr Mar horay loogu qabsaday wadadaas Gaadiidi laga leeyahay Hiiraan.

Gudiga Gaadiieyda Gobalka Hiiraan waxa aay codsi udireen maamulka puntland waxa aayna ugu baaqen in aay soo fara galiyaan Arintaan sidoo kalane laso daayo Gaadiidka laga Haasto.

WARARKA