Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC} Dalka itoobiya, sharci awood u siinaya mas’uuliyiinta inay baaraan oo ay la wareegaan hantida lagu helay “si aan caddeyn” ayaa baarlamaanka Itoobiya ansixiyay. Sharcigu waxa uu u ogolaanayaa masuuliyiinta in ay la wareegaan hantida ku salaysan heerarka madaniga ah ee aan la caddeyn karin.
Sharcigu wuxuu u qeexayaa hantida inay tahay hanti kasta oo guurto ama ma guurto ah, lacag, shay la taaban karo ama aan la taaban karin, iyo aaladaha sharciga ah sida jeegagga, hantida macmalka ah, dammaanadaha, saamiyada, iyo saami qaybsiga.
Hantidaas waa lala wareegi karaa, haddii qofka si toos ah ama si dadban gacanta ugu haya uu ku helay qaab-nololeed aan u dhigmin dakhligooda sharciga ah, ilaa ay maxkamadda u caddeeyaan sida hantida ama qaab nololeedkaasi lagu helay.
Dowlad deegaanka soomaalida ayaa ka mid ah meelaha uu ka dhaqangalayo sharcigan dhanka maalliyadda ah ee lagula dagaallamaya musuq maasuqa taas oo lagula dagaallamayo qof kasta oo hanti ku helay nidaam sharci daro ah taas oo uu sharcigani bartilmaameedsanayo, sharcigan ayaa dhigaya in hanti kasta oo lagu helay nidaam aan sharciga waafaqsaneyn lagusoo celin karo qasnada dowladda.
Sharcigan ayaa loogu magac daray bayaan number 1364 ee sanadka 2017 ka – tirsi sanadeedka Itoobiya.
Haddaba sharcigani qaabkee ayuu u saameeyn karaa bulshada?
Sida ay qabaan dadka u dhuun daloola arimahaan qaarkood, shaqsiga ayaa isaga oo hantidiisa kala qarinayo waxa laga yaabaa in ishiisa dhaqaalle il aan ahayn uu sheegto ama uu hanti yar uu sheegto, laakin u helo hanti aad u fara badan taas oo laga yaabo in ay tahay mid uu shaqeystay laakin canshuurtii waajibka ahayd ee ay dowladdu ku lahayd ka baxsaday arinkaasi darteed ayey waxa ay taasi saameeyn kartaa shaqsiyaadka shirkadaha gaarka ah leh ama bulshada inteeda kale. Laakinse ciddii canshurta waajibka ahayd iska bixin jirtay ee aan wax is dabamarin ah aan la imaan wax saameyn ah ee uu ku yelanayo ma jirto.
Laakin sharcigan ayaa awaxa uu kaga duwan yahay shuruucda kale ee dalka in dhaqan galkiisu uu ka bilaabanayo oo uu dib u noqonayo 10 sano ka hor. Arrimahaas ayaana sharciga waxa ay ka dhigeen mid cajiib ah ama ka duwan shuuruucda kale, madaama inta badan shuruucdu ay dhaqan galaan marka ay soo baxaan oo aanay wixii ka horreeyay taariikhda dhaqn galka aanay qabaneynin.
Sharcigan markii la ansaxinay dood badan ayaa ka dhalatay baarlamaanka maadaama dhaqan galkiisa lagaso bilaabayo 10 sano ka hor.
Haddaba wax aan arintaasi aan wax ka weeydiinay Maxamed Axmed oo ah sharci yagaan sare oo ka tirsan xafiiska cadaalaadda dowlad deegaanka, waxa uuna sheegay in sharcigu cayimayo tirada lacagaha ay tahay in la baaro marka laga shakiyo. Waxa uu sheegay in cid allaale iyo ciddi haysata hanti ka badan 10 milyan oo bir oo lacagta Itoobiya ah isla markaasna halka uu lacagtaasi ka keenay aanay caddeyn – xitaa haddii uu helay hantidaas 10 sano ka hor – dowladdu ay xaq u yeelaneyso in ay la wareegto .
Suaasha kale ee is weeydiinta mudan ayaa ah in qof kasta oo 10 milyan oo bir haysta ay dowladdu baaritaan ku sameyneyso iyo in kale. Su’aasha ayaan weeydiinay Maxamed Axmed, waxa uuna kaga jawaabay “haa” baaritaan ayaa lagu sameynayaa .
Saamaynta uu ku yeelanayo Soomalida
Sharcigan ayaa ah sharci heer federaaal ah maadaama uu dalka oo dhan saameeynayo si la mid ah ayuu Soomalidana u saameeynayaa ee ma aha mid si gaar ah iyaga u taabanaya.
Maxamed Axmed waxa uu sheegay in xagga wacyi gelinta ay aad u liidato dhanka Soomaalida, maadaama laga yaabo in ay ku adkaato fahamka luqada oo aanay luqada Afka Amxaariga aanay si wanaagsan u garaneynin, ayna u badanyihiin dad 80% reer guuraa ah oo shuruucdaba aan faham buuxa oo weyn ka haysan.
Abebaw Desalew oo haysta shahaadada PhD, oo ah xildhibaan mucaarad ah oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ah ee Axmaarada (NAMA), ayaa soo jeediyay in sharcigan cusub uu jabinayo mabda’a sharciga ah ee dib-u-noqoshada marka uu dib u noqdo toban sano oo xaddidan. Wuxuu kaloo su’aal galiyay madax-bannaanida hay’adaha sharciga sida booliska, baarayaasha, iyo xitaa Wasaaradda Caddaaladda lafteeda oo si cadaalad ah u dhaqan gelinaysa sharciga cusub.
Waxa uu sidoo kale muujiyay cabsida laga qabo in sharciga dib u soo celinta hantida uu u keeno dhibaatooyin aan loo baahnayn oo ku yimaada qaybaha bulshada ee nugul, halkii ay ahayd in uu waxka qabto kuwa hanti ku urursada siyaabo aan sharci ahayn.
XIGASHO BBC SOMALI.