Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC} Milatariga Israa’iil ayaa daabacay warbixintii ugu horreysay ee rasmi ah taas oo la xiriirta khaladaadkii u horseeday guul-darradooda intii lagu jiray weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo dhaliyay dagaalka Gaza.
Warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) “ay ku guul-darreysteen hawl-galkoodii ahaa inay difaacaan rayidka Israa’iil”.
Warbixintan oo ka kooban 19 bog ayaa waxa ay waxaa ku jiray wax badan oo horeba loo ogaa waxa sababay dhimashada 1,200 kadib markii ku dhawaad 5,000 oo hubaysan oo dagaalamayaasha Xamaas ah iyo kooxaha kale ee falastiiniyiintu ay gudaha u galeen Israa’iil, iyaga oo sidoo kale qafaashay 251 qof.
Ma jiraan daah-furyo cajiib ah, laakiin weli waa miyir-qab in la arko gabagabada millatariga ee ku saabsan sida ay u marin-habaabiyeen ujeeddooyinka Xamaas oo ay u dhayalsadeen awooddooda oo ay ugu qamaareen.
Warbixintu waxay sheegtay in milatarigu ay Qaza u arkeen khatar labaad oo dhanka ammaanka ah, iyadoo mudnaanta la siinayo Iran iyo Hezbollah. Siyaasaddeeda ku wajahan Gaza, ayay tiri, waxay ahayd “mid is barbar dhig ah: Xamaas waxay ahayd sharci-darro, haddana ma jirin dadaal lagu horumarinayo beddelka”.
Milatarigu waxa ay doorteen hab “maamul isku dhac” oo lagula tacaalayo Gaza, ayaa lagu sheegay warbixintu. Waxayna u maleeyeen in Xamaas aysan “xiisaynayn [ama] u diyaarsanyn dagaal ballaaran” – taas oo ay ku sheegeen aragti ay xoojisay xeeladaha khiyaanada ee Xamaas.
Laga soo bilaabo 2018 iyo wixii ka dambeeyay waxay caddaymaha soo jeedinayaan in Xamaas – oo Israa’iil, Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale ay u aqoonsan yihiin koox argagixiso – ay dhab ahaantii samaynayeen qorshe hammi sare leh ayaa loo fasirtay “mid aan run ahayn ama aan macquul ahayn”, taasoo ka tarjumaysa “rajada fog ee Xamaas halkii ay ka ahaan lahayd khatar lala qabsan karo”.
Warbixintu waxa ay sheegtay in bilihii dagaalka ka hor, hoggaanka sirdoonka milatarigu uu bilaabay in uu sameeyo qiimayn cusub, taas oo soo jeedinaysa in qorshaha Xamaas aanu ahayn aragti uun balse uu yahay “qaab la taaban karo oo qorshaynta hawlgelinta ah”.
Si kastaba ha ahaatee, qiimayntan soo shaac baxday ayaan lala socodsiin saraakiisha sarsare ee sirdoonka ciidamada.
Warbixintu waxa ay tilmaamtay saluugsanaan baahsan oo ka dhex jirta milatariga oo ku saabsan ujeedooyinka Xamaas iyo sida laga yeelayo khatarta ay leedahay.
“Ma jirin dood qoto dheer oo ku saabsan su’aasha: Maxaa dhacaya haddii aan khaldanahay?” ayaa lagu yiri warbixinta.
Muddo ka dib, “farqi weyn oo joogto ah oo u dhexeeya qiimaynta sirdoonka Hamas iyo xaqiiqada” ayaa sare u kacay.
Warbixintu waxa kale oo ay iftiimisay “hoos u dhaca dhanka aqoon qoto dheer oo loo yeesho cadawga aragtidiisa kala duwan, sida dhaqankiisa, diintiisa, luuqadiisa iyo taariikhdiisa”.
Waxay ku baaqaysaa in dib-u-habayn qoto dheer lagu sameeyo dhaqanka agaasinka sirdoonka, “korrinta furfurnaanta garaadka, shakiga, dhegeysiga, barashada, doodaha, iyo khilaaf wax dhisaya”.
Waxa ay sheegtay in rabitaanka ah in la ilaaliyo ilo sirdoon oo aad u qiimo badan ay gacan ka geysatay fashilinta milatariga in ay sare u qaadaan heerka feejignaanta isla markiiba ka hor 7 Oktoobar.
Qeybta Gaza, waxay tiri, “si wax ku ool ah ayaa looga adkaaday dhowr saacadood” 7 Oktoobar, taasoo si weyn u wiiqday awoodda ay u leedahay inay fahmaan waxa socda oo ay si hufan uga jawaabaan.
Waxay sheegtay in ciidamada cirku ay si degdeg ah uga jawaabeen, laakiin “waxaa jirtay dhibaato weyn in la kala saaro ciidamada IDF, rayidka iyo argagixisada”.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in meelaha qaar askar dhaawac ah laga daadgureeyay dadka shacabka ah ka hor oo iyaga mudnaanta la siiyay.
Ka dib markii uu natiijada u soo bandhigay taliyeyaasha Isniintii, madaxa shaqada ee IDF ee xilka ka sii degaya, Lt Gen Herzi Halevi, ayaa sheegay in uu si buuxda u qaaday masuuliyadda guul-darrooyinka.
“Aniga mas’uuliyaddayda waan qaadanayaa, waa taydii, 7-dii October waxaan ahaa taliyaha ciidanka xoogga dalka, mas’uuliyaddaydana aniga ayay i saaran tahay, waxaanan u arkaa in amar kasta oo aniga ii qaldama in qeyb ka ahay” ayuu ku yiri muuqaal uu soo duubay.
Bishii hore ayuu Jeneraalka ku dhowaaqay inuu iscasilay ka dib fashilka ku yimid, wuxuuna ku baaqay in guddi baaritaan la magacaabo si ay u sameeyaan baaritaan ballaaran oo ka hortagaya weerar kale.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo aan qiran mas’uuliyadda wixii dhacay 7-dii Oktoobar, ayaa sheegay in baaritaan dowladeed oo noocan oo kale ah ay tahay in la sugo ilaa dhamaadka dagaalka.
Netanyahu ayaa ku anadcoonaya in uusan diyaar u ahayn in uu qirto qalad shaqsi ah.
Israa’iil ayaa ka jawaabtay weerarka 7-dii Oktoobar iyadoo olole cir iyo dhul ah ka billowday Gaza, xilligaasoo ugu yaraan 48,365 qof lagu dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.