Jimco, 28 Feb, 2025 {HMC} Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa dagaal laba dhinac ah kula jirta xannuunka aafada ku noqday ee Ebola oo galaaftay nolosha tobanneeyo ruux iyo Jabhadda hubeysan ee M23 oo culeys xooggan saartay qaar kamid ah gobollada Dalkaas.
DRC ayaa dalbatay in laga caawiyo sidii ay uga guuleysan lahayd labadaan dhibaato oo dalkeeda dib u dhigay, waxaana mas’uuliyiin katirsan Dowladda ay tilmaameen in guud ahaan loo baahan yahay in si wadajir ah la isku kaashado.
Mas’uuliyiin katirsan Congo ayaa sheegay in culeyska labada dhinac ay ugu wacan yihiin Dalalka deriska la ah maadaama ay gabbaadsiinayaan kooxda Fallaagada ah ee M23 oo awood u adeegsatay gobollo muhiim u ah Dowladda.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostaga loona soo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso intii awooddeeda ah in ay caawiso Congo si looga hortago faafitaanka cudurka Ebola.