Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} Afarta xisbi siyaasadeed ee mucaaridka ah ee ka dhisan Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Talaadadii soo saaray warmurtiyeed ay kaga jawaabeen bayaan dhawaan kasoo baxay xisbiyada mucaaradka Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, kuwaas oo kala ah OFC iyo OLF.
Labadaasi xisbi ayaa sheegay inay dib usoo ceshanayaan lahaanshaha magaalooyinka Diridhabe iyo Mooyaale, oo ah magaalooyinka ugu caansan kuwa Soomaalida ee Itoobiya. Xisbiyada mucaaradka ee Ismaamulka Soomaalida ayaa arrintaasi ku tilmaamay damac aan la aqbali karin.
Afhayeenka Xisbiga FEB, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Xisbiyada Deegaanka Soomaalida, Cabdinuur Cabdullaahi Faarax ayaa si adag uga jawaabay sheegayna in aysan aqbali doonin warka ka soo baxay Afarta Xisbi.