spot_imgspot_imgspot_img

Ururrada Siyaasadda Soomaalida oo Ka Soo Horjeestay Hadal Ka soo Yeeray Xisbiyada Qowmiyadda Oromada

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC}  Diridhaba, 25 Febraayo 2025 – Xisbiya siyaasadeed oo ay horkacayaan Jabhadda Xoreynta Ogadeniya (ONLF) iyo Xisbiga Dimuqraadiga Reer Soomaalida Galbeed (WSDP) iyo FEP: ayaa si adag uga horyimid sheegashooyinka Xisbiga Xoreynta Oromada (OLF) iyo Golaha Federaaliga Oromada (OFC) ee ku saabsan magaalooyinka Diridhaba iyo Moyale.

Bayaanka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in sheegashooyinkaas ay jebinayaan Dastuurka Federaalka Itoobiya, isla markaana ay khatar gelinayaan nabadgelyada iyo wada noolaanshaha qowmiyadaha dalka.

Ururradan ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo beesha caalamka in si cad loo diido isku day kasta oo lagu beddelayo xuduudaha deegaannada.

WARARKA