Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} – Rasaas iyo qaraxyo ayaa ka dhex bilowday isu soo bax ay hoggaamiyeyaasha fallaagada ku qabsadeen magaalo ay dhawaan qabsadeen oo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Fiidiyowyo ayaa muujinaya xaalado jahwareer leh iyo meydad yaalla waddooyinka ka dib markii dadka intooodii badnaa ay ka carareen isu soo baxa oo ka dhacayay Bukavu, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn bariga, iyagoo argagaxsan.
Ma cadda tirada khasaaraha, balse wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa ilo ka tirsan isbitaalka ayaa sheegtay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen 60 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dibadbaxan ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo fallaagada ay taageerto Rwanda ay ku qabtaan magaalada Bukavu tan iyo markii ay magaalada kala wareegeen ciidamada dowladda horaantii bishan ka dib markii ay si degdeg ah ugu soo dhaqaaqeen gobolka.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda madaxweyne Felix Tshisekedi inay soo abaabushay weerarka.
Si kastaba ha ahaatee, Tshisekedi ayaa ku eedeeyay “ciidamo shisheeye” oo uu sheegay inay ka howlgalaan bariga in ay ka dambeeyaan falka.
Dibadbaxan ayaa waxaa horay uga hadlay Corneille Nangaa, oo ah madaxa isbaheysiga kooxaha fallaagada ah ee ay ku jiraan M23 oo ay Rwanda taageerto.
Waxa uu u ballan qaaday dadkii isugu soo baxay in jabhaddu ay ammaan iyo nabad ku soo dabaali doonto magaalada.
“Waxaa jiri doona cutubyo gaar ah iyo rondo sameeya kuwaas oo ka dhici doona dhammaan xaafadaha,” ayuu yiri sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waxaa la rumeysan yahay in Nangaa iyo Bertrand Bisimwa oo ka tirsan M23 ay horay u baxeen markii uu weerarku ka dhacay fagaaraha weyn ee Bukavu.
War qoraal ah oo uu soo saaray Nangaa ayuu ku sheegay in weerarkaas lagu soo qabtay labo ruux, waxaana socda baadi goobka dad kale oo la tuhmayo.
“Falkan fulaynimada iyo waxashnimada ah ma noqon doono mid cawaaqib xumo la’aan ah,” ayuu yiri.
Fallaagada ayaa tan iyo bishii Janaayo ku sii siqayay bariga DR Congo, iyagoo qabsaday Bukavu iyo Goma, oo ah magaalada ugu weyn gobolka.
Dagaallada ayaa ku qasbay ilaa 500,000 oo qof inay guryahooda ka qaxaan, taasoo uga sii dareysa xaaladda bini’aadantinimo ee ba’an, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka, mucaaradkana ay isaga baxaan goobaha ay hadda gacanta ku hayaan.
Rwanda ayaa horey u diidi jirtay inay taageerto M23, balse dhawaan waxay qaadatay kaalin difaac oo dheeraad ah, iyadoo sheegtay in dagaallo ka dhacay meel u dhow xadka DR Congo iyo Rwanda ay khatar ku yihiin ammaankeeda.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa hore u qiyaasay in inta u dhaxaysa 3,000 ilaa 4,000 oo askari oo Rwandese ah ay ku sugan yihiin bariga DR Congo.