spot_imgspot_imgspot_img

NISA oo burburisay gaadiid Ay AS ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa goordhaw shaaciyay in duqeyn lagu burburiyay gaadiid qaraxyo kasoo buuxiyeen kooxda Al-shabaab oo ay doonayeen iney ku weeraraan deegaanka AlKowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in gaadiidkaan qaraxyada kusoo rareen kooxda iyo kolanyo gaadiid kale ah oo la socday Xalay duqeyn lagula beegsaday tuulooyinka Sigato iyo Libi Aw Xasan oo ku yaala inta u dhaxeysa deegaanada kala ah Riinirgood iyo Alkowsar.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in gaadiidka qaraxyada kooxdu kasoo buuxisay uu mid ka mid ah ahaa noociiisa Leyla Calaawi, islamarkaana kooxdu ay dooneysay iney ku weerarto Maasajidka deegaanka Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan Xalay lagu burburiyay gaadiidka qaraxyada kusoo rareen Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo dagaalo ay ka dhaceen deegaanada Alkowsar, Daarunimca, Ceel baraf iyo Ceel Cali Axmed oo dhamaantood ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

WARARKA