spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Puntland oo soo bandhigay Keydakii Hubka ISIS iyo Darshadihoodii

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} –  Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay ilaa 2,000 (Laba kun) oo gantaallo gacan ku sameys ah.

Khawaarijta Daacish ayaa doonaysay in gantaalahaan ay ku dhibaateeyaan shacabka iyo Ciidamada maamulkaas ee howlgallada ciribtirka ah ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay qabsadaan Warshado macmal ah oo Khawaarijta Daacish ay ku sameynayeen gantaallada gacan ku sameyska ah.

Ciidamada ayaa maanta u daatay saldhig muhiim ah, waxaana sidoo kale halkaas lagu diyaari jiray qaraxyada, waxaana laga yaabay haliska ay diyaarineysay kooxdaas ee laga hor tegay.

Guulo waaweyn ayaa saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay laga gaaray howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa isaga carareysa saldhigyadooda ugu muhiimsan markii ay soo gaaraan ciidamada Puntland, taasi oo suurta-gelisay in gacanta lagu dhigo warshadihii ay qaraxyada iyo gantaallada ku sameysa jireen.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saakay hawlgalladii ay maanta fuliyeen waxay sidoo kale ku qabsadeen Ceelka Dharinta oo kamid ah goobaha ay u soo baxsadeen firxadkii dagaallamayaasha ISIS ee ku soo jabay togga Jeceel.

Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa yiri, “Ciidamada Daraawiishta Puntland oo si qorshaysan u soo dhaqaaqay ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharin oo saacadihii u danbeeyay lagu sheegay firxadka Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo isku dayay in ay gabbaad ka dhigtaaan goobtaasi ceelka leh balse laga hortagay.”

WARARKA