Khamiis 27, Feb 2025 {HMC} Maxkamadda Sare ee magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa 21-kii bishii Janaayo riday xukun xuquuq muwaadinimo siinaya kumannaan Soomaali-Kenyan ah oo horey loogu diiday in laga saaro kaydka macluumaadka qaxootiga, lana siiyo kaararka aqoonsiga Kenya, inkastoo ay asal ahaan Kenyan yihiin.
Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa maanta soo saartay warbixin dheer oo ay arrintan kaga hadleyso, taasoo ay ku tilmaantay guul usoo hoyatay kumannaan reer Kenya ah.