Khamiis, 27 Feb, 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo safar shaqo ku jooga Magaalada Baku dalka Azerbaijan ayaa maanta heshiis is afgarad la saxiixday dhigiisa dalka Azerbaijan Parviz Shahbazov.
Heshiiska is afgarad ee maanta wada saxiixeen labada Wasiir ayaa la xariira sidii labada dal isaga kaashan lahayeen khibradaha, horumarinta Shidaalka iyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen.
“Waxaan maanta maagaladda Baku ee dalka Azerbaijan heshiis is af garad ah kula saxiixday wasiirka tamarta wadanka Azerbaijan Parviz Shahbazov.
Heshiiska ayaa dhigaya in labadda dal iska kaashadaan khibradaha iyo waxqabadka wanaagsan oo dhanka arrimaha batroolka iyo gaaska” ayuu yiri Wasiir Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.
Wasiir Daahir Shire ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto khibradda balaaran ee ku aadan mashruucyada saliidda iyo gaaska oo u leeyahay dalka Azerbaijan.
Heshiiskaan is afgarad ee maanta magaalada Baku ee dalka Azerbaijan ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa qeyb ka noqonaya heshiisyo muhiim ah oo ay dowladda Soomaaliya la saxiixaneysay mudooyinkii dambe qaar ka mid ah dalalka Caalamka.