spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan

Khamiis 27, Feb 2025 {HMC}  – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka ugu tegay Abiy iyo wafdigiisa, halkaas oo uu sidoo kale salaan sharaf uga qaatay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka safarka Abiy Axmed uu yahay dhammeystirka heshiiska labada dal iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriiirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.

“Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wada-hadallo gaar ah xarunta madaxtooyada kulan yeelan doono madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha dhex yaalla labada dal oo ay ugu muhiimsan tahay marin-biyoodka ay dooneyso Itoobiya.

Imaashaha ra’iisul wasaare Abiy ee Muqdisho ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.

 

WARARKA