Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku afgartay tirada dalalka looga qoondeeyey ciidamada hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaddib toddobaadyo khilaaf ah oo ka dhashay tirada ciidanka laga filayo dalalka Itoobiya iyo Burundi.
Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika, oo codsaday in magaciisa aan la shaacin maadaama uusan u idmanayn in uu warbaahinta la hadlo, ayaa u sheegay VOA in ciidamada Burundi ee Soomaaliya joogay tan iyo 2007 ay dalka ka bixi doonaan, kaddib markii labada dowladood isku fahmi waayeen tirada ciidanka laga filayo Burundi.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Soomaaliya iyo Midowga Afrika, hawlgalka cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona 11,900 oo shaqaale ah, kuwaas oo isugu jira askar, boolis iyo shaqaale rayid ah.
Qorshaha cusub ayaa ciidamada sidaan u kala qeybinaya: Uganda 4,500, Itoobiya 2,500, Jabuuti 1,520, Kenya 1,410, iyo Masar 1,091, sida uu xaqiijiyay sarkaalka Midowga Afrika.
Diblomaasi kale oo ka tirsan Midowga Afrika, oo isaguna codsaday in aan la shaacin magaciisa, ayaa VOA u sheegay in wada-hadallada ku saabsan joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya ay weli socdaan.
“Bixitaanka ciidamada Burundi wuxuu yeelan karaa saameyn siyaasadeed iyo dhaqaale oo ballaaran oo ku saabsan Midowga Afrika,” ayuu yiri diblomaasiga.
“Waxaa intaa dheer, arrinta maalgelinta AUSSOM wali lama xallin. Burundi waxay sameysay allabaryo badan, waxaana muhiim ah in cabashooyinkooda la tixgeliyo,” ayuu sii raaciyay.
Waxaa sidoo kale jira boqolaal boolis ah oo ka socda Nigeria, Sierra Leone iyo Masar, kuwaas oo la dejin doono Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo.
Saameynta khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya
Dib-u-dhaca heshiiska ku saabsan dalalka ciidanka soo diraya waxaa sababay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay heshiis muran dhaliyay oo Itoobiya la gashay Somaliland 1-dii Janaayo 2024.
Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid “ka hor imaanaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Somaliland waa gobol sheegtay inuu Soomaaliya ka go’ay, balse aan si rasmi ah loo aqoonsan.
Xiisaddaasi ayaa hoos u dhacday kaddib markii labada dhinac ay gaareen heshiis xasaasi ah 11-kii Diseembar magaalada Ankara, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga, waxaana lagu ballamay in khilaafka la xalliyo.
Toddobaadkan, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah oo xaqiijinaya in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan hawlgalka cusub ee AUSSOM.
Heshiiskan wuxuu daba socday booqasho uu toddobaadkan magaalada Muqdisho ku yimid wafdi Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, oo ay weheliyeen madaxa sirdoonka Itoobiya, Redwan Hussien.
Wafdiga Itoobiya ayaa Muqdisho kula kulmay dhiggooda Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Odawaa Yuusuf Raage, iyo madaxa hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Wada-hadallada ayaa diiradda saaray la dagaallanka argagixisada, xasilloonida gobolka iyo doorka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM.
“Mas’uuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen doorka ciidamada Itoobiya ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika, waxayna isku afgarteen qaab-dhismeedka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay wada-hadallada.
Ciidamada Itoobiya ayaa la geyn doonaa gobolladii ay horey uga howlgalayeen ee Soomaaliya, sida Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan. Ciidamada kaliya ee cusub ee ku biiraya hawlgalka waa kuwa ka socda Masar, oo taageero u muujiyay Soomaaliya inta lagu guda jiray khilaafkeeda Itoobiya.
Itoobiya waxay sidoo kale ciidamo gaar ah ku leedahay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo halkaas ku jooga heshiis laba geesood ah. Heshiiska toddobaadkan la gaaray wuxuu xoojinayaa joogitaankaas.
“Labada dhinac waxay isku afgarteen in la dejiyo Heshiis Xaaladda Ciidamada (SOFA) oo lagu maamuli doono dhammaan ciidamada labada dal ee ku sugan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka la soo saaray Axaddii.
Al-Shabaab iyo Daacish oo wali khatar ah
Ciidamadii ugu horreeyay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya yimid waxay ahaayeen kuwii ka yimid Uganda bishii Maarso 2007, xilligaas oo kooxda Al-Shabaab ay xoojineysay saameynteeda gudaha dalka.
Kooxda Al-Shabaab, oo Mareykanku u aqoonsaday argagixiso caalami ah, ayaa weli khatar ku ah dowladda Soomaaliya ee ay beesha caalamku taageerto.
Talaadadii, dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro dhowr jiho ah ka fuliyay bartamaha Soomaaliya, iyagoo gudaha u galay magaalooyin yaryar iyo tuulooyin kahor inta aysan ciidamada dowladda dib u ceyrin.
Dhinaca Puntland, ciidamada amniga ayaa sii wada hawlgal muddo laba bilood ah lagula dagaallamayo kooxda Daacish, iyagoo magaalooyin dhowr ah kala wareegay.
Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin in maalmo gudahood ay qabsan doonaan saldhigga ugu weyn ee Daacish ee gobolka.