spot_imgspot_imgspot_img

RW Itoobiya Abiy Ahmed oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in uu Magaalada Muqdisho soo gaaro berri sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow safarkiisa, wafdi hordhac ah oo ka socda Addis Ababa ayaa soo gaaray Gobolka Banaadir.

Diyaargarow lagu soo dhaweynayo wafdiga Abiy Ahmed ayaa ka socda Magaalada Muqdisho iyada oo la diyaariyay goobtii uu kula kulmi lahaa Madaxweynaha Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud sida ay wararku tilmaamayaan.

Abiy Ahmed ayaa safarkiisa Muqdisho horay u ballanqaaday, waxa ka horreeyay labo jeer oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tagay Magaalada Addis Ababa tan iyo bishii Deseembar 2024 oo si rasmi ah u heshiiyeen labada mas’uul.

Marka uu Abiy soo gaaro Muqdisho waxa ay heshiisyo kale kala saxiixan doonnaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyada oo ay sii socon doonnaan kulamada guddiga farsamo ee labada Dal.

WARARKA