Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah oo loogu tala-galay dadka nugul ee saboolka ah kala wareegay Safiirka isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa deeqdaan oo loo qorsheeyay ilaa 600 oo qoys ku wareejiyay Guddoomiyayaasha degmooyinka Cabdicasiis, Xamarweyne iyo Shangaani ee gobolka Banaadir, isagoo ku adkeeyay in mudnaanta 1-aad la siiyo qoysaska sida dhabta ah ugu baahan.
Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale ballan-qaaday in bisha Ramadaan ee soo socota, Dowladda Imaaraatka Carabta ay dalka soo gaarsiin doonto gargaar bani’aadannimo oo dhan 7,000 oo tan, si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee u baahan gacan-qabad iyo taageero nololeed.