Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Talaadadi sheegay, in dad ka badan 50 qof ay u dhinteen toddobaadyadii la soo dhaafay kiisas xanuuno aan la garaneeyn waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Laga soo bilaabo bishan Febraayo 16-keedii, waxaa jiray 431 xaaladood iyo 53 dhimasho ah oo ka dhashay laba cudur oo ka dillaacay tuulooyin fog-fog oo ku yaal gobolka Equateur, sida WHO ay ku sheegtay war-saxaafadeed. Waxay sheegtay in ay baareyso cudurradan.
Afhayeenka WHO Tarik Jasarevic ayaa ku sheegay xog warran kooban Talaadadii, in cudurrada dillaacay oo la garaneeyn sababta, ay kiisaskoodu si xawli ah u kordhayaan maalmo gudahood, taas oo khatar weyn ku ah caafimaadka bulshada.
WHO ayaa sheegtay in cudurradaasi lagu garanayo astaamha ay ka mid yihiin qandho, xanuun, mantag iyo shuban.
Cudurradan ayaa imanaya xilli qeybo ka mid ah Congo ay ka jiraan colaado sokeeye oo uu dhig badani ku daatay. Colaadda ayaa xooggeeda ka jirta dhanka bari ee Congo.