spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Burundi oo Soomaaliya ka baxaya 18 sano kaddib

Arbaco, 26 Feb, 2025 {HMC} Ciidanka Burundi ee qaybta kasoo noqday howlgalka marxaladaha iyo magacyad kala duwan soo maray ee Midowga Afrika ayaa isaga baxaya Soomaaliya kaddib markii la isku fahmi waayay tirada ay ku yeelanayaan AUSSOM.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee Socday oo Dowladda Federaalka ku jaangoyneysay ciidankaas ayay Xukuumadda Bujumbura ku weysay saami dheeraad ah oo ay rabtay in ay ku yeelato ciidanka ku howlgalaya AUSSOM.

Burundi ayaa kol hore ku dhawaaqday in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya haddii aan loo ogolaan askarta dheeraadka ah, waxaana ugu dambeyn loo furay albaabka bixitaanka maadaama la fulin waayay shuruuddii ay wadatay.

Askarta Burundi waa ciidankii labaad ee xiran sumadda Midowga Afrika ee Soomaaliya yimid 18 sano kahor waa sanadkii 2007dii, keliya waxaa ka horreeyay ciidamada Uganda oo ilaa haatan howlgalkaan AUSSOM qayb ka ah.

Burundi waxa ay Soomaaliya ku weysay boqolaal askari kuwaas oo ku dhintay howlgallo ka dhacay gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe, waxaa baddelkooda soo gali doonno Ciidamada Masar oo horay dalal badan u tagay nabad ilaalin.

Haddaba, sidee ayaa loo qaybsaday saamiga ciidamada AUSSOM?

1:Yugaandha: 4500
2:Kenya: 1410
3:Itoobiya: 2500
4:Jabuuti: 1520
5:Masar: 1091

Wadarta ciidamada la qorsheeyay ee howlgalka Midowga Afrika AUSSOM waa 11,021 askari kuwaas oo ka kala socda shan Dal, tirada ugu badan waxaa la siiyay Uganda oo ah dalkii ugu horreeyay ee soo diray ciidamadiisa.

WARARKA