spot_imgspot_imgspot_img

NISA Oo Faahfaahin Ka Bixisay Howlgalo Maanta Laga Fuliyay Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka oo maanta laga fuliyay gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

NISA ayaa shaacisay in howlgalada duqeynta ah ee ka dhacay deeganada ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu dilay 48 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad ee duqeynta ahaa uu ka dhacay deegaanka Daarunicma, islamarkaana lagu dilay 17 xubnood oo ka tirsan kooxda, halka howlgalka labaad ee duqeynta ah uu ka dhacay deegaanka Alkowsar laguna dilay 19 xubnood oo kale.

Howlgalka sadaxaad ee duqeynta ah ayaa sidoo kale NISA sheegtay in laga fuliyay deegaanka Beera yabaal oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsana Ururka Al-shabaab.

Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA ayaa kusoo aadaya, iyadoo galinkii hore ee maanta dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ay ka dhaceen deegaanada kala ah Daarunicma iyo Beera yabaal oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA oo dhameystiran:-

WARARKA