spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Guudlaawe Oo Shabelada Dhexe Ka Wado Dardar-gelinta Dagaalka Ka Dhanka Ah AS

Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa gaaray furimaha dagaalka ee Gobalka Shabeellada dhexe, halkaas oo mudooyinkii dambe dagaal ku dhex maray Dowladda iyo Al-shabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa halkaas ciidamada iyo kuwa deegaanka kula hadlay, isaga oo carrabka ku adkeeyay in laga wada qeyb qaato hawlgallada ka socda Shabeellada Dhexe.

“Lama joogo waqti aan gacmaha ka laabbano damaca guracan ee Khawaarijta. Guud Hirshabeelle waxaa ka socdo dagaal geeri ama gobanimo ah.” ayuu yiri MW guudlaawe xili uu la hadlayay dadka deegaanka juxaay

Sidoo kale, Hoggaanka ciidamada Macawiisleeyda ayaa sheegay in ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah ee lagula jiro Al-shabaab ee ka socda deegaannada ka tirsan Shabeellada Dhexe.

WARARKA