Talaado 25,Feb-2025 {HMC} Ciidamo katirsan hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgallo lagu xoojinayo amniga ka sameeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Saraakiil katirsan Hoggaanka NISA ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kormeeray Ciidamada baarayay Gaadiidka, Dadka la socda iyo goobaha ay tuhmaan sida ay Mustaqbal u sheegeen ila kala duwan oo deegaanka ah.
Taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka NISA Gaashaanle Gacma dheere ayaa kormeer uu ugu kuurgalay sida uu howlgalkaan u socda ku tagay Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxa uu bogaadiyay howlgallada Ciidamada isaga oo kula dardaarmay askarta fulisay howshaan in ay sii kordhiyaan si loo adkeeyo amniga loogana hortago falalka liddiga ku ah nabadgalyada sida uu yiri.
Deegaanka Ceelasha Biyaha waxaa dhowaan ku kulmay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo wafdi ka ambabaxay Magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir iyaga oo kawada hadlay amniga.